Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Dhinacyada Iskhilaafsan ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo ku Kulmaya Dalka Yemen
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:409
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 29 2008
Dhinacyada Iskhilaafsan ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo ku Kulmaya Dalka Yemen
Written by Ali Moallim   
Sunday, 29 June 2008

Yaman,(insidesomalia.org)- Indhawaalaba waxaa socday dadaallo la doonayo in lagu xalilo khilaafka soo kala dhexgalay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ku kala tegay wada hadallo ay soo qaabeysay Qaramada Midoobay oo xal loogu raadinayo Mushkiladda Soomaaliya.

Dadaal lagu isugu soo dhaweynayo dhinacyada uu u kala jabay Isbaheysiga Dibu xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa wada Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo Muqdisho ka tegay, kuwaasi oo labada dhinacba kala hadlay in ay ogolaadaan in laga wada hadlo waxyaabaha la isku hayo.

Shekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu jiro qorshe ku saabsan in labada dhinac ku kulmaan Dalka Yemen, wuxuuna xusay in ay arrintaas ka shaqeeyeen Rag ka yimid Soomaaliya oo isku howlay in ay dhexdhexaadiyaan dhinacyada uu u kala baxay Isbaheysiga Dib u xoreynta, inkastoo uu ka gaabsaday in uu magacaabo raggaas Soomaaliya ka yimid ee dhexdhexaadinta wada.

Horayna Cabdiraxmaan Maxamuud Jinaqow oo ka mid ah Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa u sheegay in ay socdaan dadaallo xal loogu raadinayo khilaafka soo kala dhexgalay Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna sheegay in khilaafkaas lagu xalinayo Isbaheysiga dhexdiisa, isla markaana arrinta hoos loo geli doono.

“Horaa loo yiri Gacmo Geel-jire hoos ayaa loo dhaqaa marka waxaan dooneynaa in aan mad-madowgaas ku xalinno Isbaheysiga dhexdiisa”ayuu yiri Shekh Cabdiraxmaan Maxamuud Jinaqow oo rajeeyay in ay labada dhinac isaf garan doonaan.

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Xubno ka socda Maxkamadihii Islaamka, Xubno laga saaray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno ka socda Bulshada Rayidka iyo Xubno ka socda Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ayaa wuxuu labo u kala jabay kadib markii labada Mas’uuliyiinta ugu sareysa Isbaheysiga iyo Xubno ku fikir ah ay goosteen in ay Wada hadal ku aadan sidii Soomaaliya looga saari lahaa Ciidamda Itoobiya la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, iyadoo kadibna xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ay ku guddoomiye ku xigeennada Isbaheysiga ay arrintaas kas oo horjeesteen.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >